|
Beledweyne, (insidesomalia.org) - Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Gobolka Hiiraan ayaa isaga tagay xilkii uu hayay, kadib markii ay la soo deerseen cabsi ku aadan dhanka noloshiisa.
Max’ed Gacal Max’ed oo ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Gobolka Hiiraan oo saaka Saxaafada usoo gubiyey Warqadiisa calisaada ayaa sheegay in uusan xiligan wixii ka danbeeya wax xil ah uusan ka heeyn Gobolka Hiiraan, isla markaana uu ka tanaasulay Jagadii uu hayay ee aheeyd Max’kamada Racfaanka ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Max’ed Gacal in ay la soo deristay xaalada adag oo isaga u gaar ah, isla markaana uusan sii wadan kari Masuuliyadaasi.
Is casilaada Masuulkani ayaa ku soo beegmeeysa xili Masuuliyiintii ka tirsanaan jirtay Maamulka Gobolka Hiiraan ay horay isga casileen xilalkii ay ka hayeen Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu ku soo aadayaa xili wax Maamul ah aysan ka jirin Gobolka Hiiraan, isla markaan Maamulkii uu dhawaan ay u soo magacaawday Dowladda Soomaaliya ay iska Casileen xilaalkii loo soo magacaabay.
Ma'ahan Masuulkii ugu horeeyay ee iska casila xilka Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana horay xilalkii ay hayeen isaga casilay Masuuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo qeeybaha kala duwan ee Gobolkasi, kadib markii ay la soo deristay arimo la xiriira amaankooda.
|